Etusivu / Artikkelit / Wax ka iibsiga Masku

Wax ka iibsiga Masku

[ "" ]

Ku soo dhawow Masku!

 

Waa tan warbixin kooban oo ku saabsan Masku oo Ingiriis ah

 

Masku waxay caan ku tahay xulashada ugu weyn ee alaabta guryaha ee Finland iyo qiimaha ugu hooseeya suuqa. Masku waxa ay diyaar u tahay adeegaga waxa ayna leedahay shabakad ballaaran oo dukaamo ah oo ku baahsan waddanka oo dhan iyo dukaanka internetka oo ku shaqaynaya 24 sacadood iyo wiiga oo dhan www.masku.com. Qiimuhu waa isku mid dukaamada iyo online-ka!

 

Agabkayaga gaarka ahi waxay ka kooban yihiin xalka dhammaan heerarka nolosha iyo waliba dhammaan naqshadaha kala ah noocyadi horre, kuwa Iskaandaniifiyanka iyo ka bilow kuwa casriga ila kuwi horre iyo kuwa jacaylada miyiga.

 

Inta ugu badan agabkayga guryaha waxa lagugu qaabayn karaa sida aad jeceshahay. Waxaan si wada jir ah u qaabayn doonnaa qalabka guriga, inaga oo ka dhigayna cabbirrka sida qolkaagu yahay, midabada ku habboon gudahaaga, oo aan fulin doonnaa shuruudahaaga ku saabsan lugaha, adkaanta kursiga ama furaashka, iyo sidoo kale nooca dunta ee ay ka samaysan tahay.

 

Ka fiiri dalabyadeena qiimaha hoose halkan!

 

Adeegyada gaarsiinta

Masku waxa uu bixiyaa keenista agabka guryaha oo aad u fudud, hawlgelin iyo adeegyo isku-dubbarid, iyo alaabtii hore ayaa dib loogu warshadayn karaa si ku habboon kharash yar oo dheeraad ah. Waxaad sidoo kale dalabaadkaga ka soo qaadan kartaa inta badan bakhaarradeenna iyo bakhaarka keydka ee ku yaal Mäntsälä. Waxaan u soo dirnaa badeecadaha cabbirka yar goobaha laga qaadanayo si loogu baceeyo . Keenista laga bilaabo 4 euro.

 

Goobuhu way ku kala duwan yihiin helitaanka adeegyada alaab xidhxidhida. Waxaad ka hubin kartaa adeegyada laga heli karo goobtaada bogga badeecada adigoo gujinaya "Toimitukset alkaen (qiimaha keenista)"

 

Weydii macluumaad dheeri ah adeegga macaamiisheena ama dukaanka Masku ee kuugu dhow.

 

Qiyaasta wakhtiga keenista alaabta waxa lagu sheegay kaadhka alaabta. Waxaad ka arki kartaa qiyaasta wakhtiga bixinta ee dalabkaaga oo dhan bogga jeeg bixinta. Waqtiga keenista waxaa lagu xaqiijin doonaa iimaylka ka dib marka la dalbado. Alaab qaadaha ayaa kula soo xiriiri doona taleefan ka hor dhalmada. Markaad doorato inaad dalabkaaga ka qaadatid dukkaan, bakhaarka keydka ama goob laga qaato, farriin SMS ayaa lagugu soo ogeysiinayaa markii dalabkaagu yimaado si aad u qadato.

 

Hababka lacag bixinta

Maalgelinta Masku, waxaad heleysaa jadwal lacag bixineed oo dabacsan. Waxa kale oo aad ku bixin kartaa qaansheegad, kaadhadhka Debit iyo Credit Card, Siirto iyo sidoo kale xawaalad bangi. Dhammaan hababka lacag bixinta ee la heli karo waa ammaan wana amni in la isticmaalo.

 

Dukaamadayada, waxaad sidoo kale dooran kartaa lacag bixinta haftada ee Nordea Tuohi, qaansheegta Masku iyo lacag caddaan ah. Waxa sidoo kale loo adeegsan karaa hab lacag bixinta dukaamadeenna kharashaadka shakhsiyadeed ee ay soo saartay Kela ama dawlad-hoose.

 

Siyaasada soo celinta iyo isdhaafsiga

Macmiilkeena ahaan, waxa aad xaq u leedahay inaad soo celiso alaabada laga soo iibsaday dukaanka internetka 14 maalmood gudahood laga soo bilaabo markii la helo.

 

Sheyga waa in aan la isticmaalin, aanu cillad lahayn wana in ay ku jiraan baakaddii asalka ahayd. Xidhmada la iibiyay waa inay ahaataa mid dhamaystiran oo ay ku jiraan dhammaan qaybihii, dukumiintiyadi iyo alaabada baakooyinka asal ahaan lagu soo daray xirmada.

 

Haddii alaabta la soo celiyay waxyeello la gaadhsiyay ama qiimaheedi uu hoos u dhacay, Maskun Kalustetalo waxa ay xaq u leedahay inay ku dallacdo macmiilka kharashaadka shaqsiyeed ee ay sababtay waxyeeladu. Macaamilku waxa  uu mas'uul ka yahay kharashka soo celinta.

 

Xanibaadaha ku saabsan soo celinta iyadoo la raacayo Cutubka 6aad, Qeybta 16aad ee Sharciga Ilaalinta Macmiilka: Alaabaha nadaafada iyo kuwa sidda dhow loo isticmaalo lama soo celin karo ka dib marki laga furo bacdi ay ku jireen, sababta oo ah iyada oo aan alaabtas la iibin karin madama asalkedi doorsoomay. Tusaalooyinka alaabtan oo kale waa barkimo iyo busteyaal.

 

Si aad usoo celiso, fadlan la xiriir adeegga macaamiisha.

 

Dammaanad

Masku iyo warshadaha alaabta guryaha ee aan matalayno waxa ay u hoggaansan yihiin heerarka tayada adag ee lagu taliyay laguna isticmaalo warshadahaha alaabtaha guryaha. Haddii aad ku aragto alaabta cillad, fadlan isla markiiba la socodsii adeegga macaamiisheena.

 

Cabashooyinka ku hoos jira damaanada waa in la soo sheegaa ugu dambeyn hal (1) bil laga bilaabo waqtiga la helay cilada ama ay ahayd in la helo. Haddii ay dhacdo burbur gaadiid, shirkadda gaadiidka waa in lagu ogeysiiyaa 7 maalmood gudahooda ee cabashooyinka keenista. Macmiilka waxaa ku waajib ah inuu baaro alaabta isla marka u helo. Sheyga waa in kaliya lagu adeegsadaa deegaanka iyo sida loogu talagalay.

 

Alaabta gurigu sidoo kale waxay u baahan yihiin boodhka in laga tirtiro, la nadiifiyo iyo oo la daryeelo. Dukaamadayada iyo webshop-ka, waxaad ka heli doontaa noocyo kala duwan oo badeecooyin ah iyo tilmaamaha hawlgalka ee aan kugula talineyno daryeelka dharka iyo maqaarka. Haddi la daryeelo, alaabta guryuhu waxa ay ahaan doonan qaar sanado badan ahaada kuwo fiican oo aanu muunadoodu is badelin.

 

Haddii aad rabto, waxaad ka iibsan kartaa Badbaadada Alaabada Masku (Masku Tuoteturva) alaabtaada cusub, kaas oo ku siinaya dammaanad 10 sano ah iyada oo aan wax laga jarin.

 

 

Alaabada aan lagu cayminin damaanada

 

Duugobida caadiga, kala-bax, laadlaadsi, kala-jiid, midab gadis ama diismid, iyo sidoo kale waxyeelada u sabab u yahay macmiilku inta lagu jiro safarka, xidhxidhitaanka ama kaydinta, kuma jiraan damaanada. Tusaale ahaan, maqaarku liidarka waa walxo dabiici ah oo fidsan, taas oo keeni karta laalaab. Kala-baxa marada ee u muuqda ilaa xad. Kuwani waa astaamo ay leeyihiin agabyada kala duwan.

 

Dammaanad qaadku wuxuu khuseeyaa oo keliya alaabada loo iibsaday isticmaalka gaarka ah. Macaamiisha B2B waxaanu siinaa dammaanad lix bilood ah dhammaan alaabtayada.

 

Cabashooyinka

Haddii sheyga lagu keenay uu leeyahay cilladaysan yahay ama uu leeyahay cillad la dammaanad qaaday, fadlan la xiriir adeegga macaamiisha. Si loo dammaanad qaado habaynta degdega ah, fadlan ku dar lambarka qandaraaska iibka oo ka bilaabmaya xarafka M ee amarka iyo sawirrada burburka. Xaaladda burburka gaadiidka, sawirka qoraalka shixnadda ayaa sidoo kale loo baahan yahay.

 

Marka aan helno cabashadaada, khubaradayada ayaa kula soo xiriiri doona sida ugu dhaqsaha badan. Waxaanu kula shaqayn doonaa habka ugu macquulsan ee magdhowga iyo xalinta xaalad kasta. Marar badan, sixitaanka ciladdu ma aha oo kaliya waxa ugu macquulsan, laakiin sidoo kale waxa weeyan ikhtiyaarka ugu fudud.

 

Fadlan la soco in cabashadu ay la xiriirto badeecad burburtay inta lagu gudajiray gaarsiinta ama cillad ka timi marki la samaynayay oo ma aha, tusaale ahaan, ciladaha ay sababaan duugista iyo jeexitaanka caadiga ah iyo arrimaha ay keenayso nolosha adeegga oo dheer. Cabashada waa in la sameeyaa sida ugu dhaqsaha badan ka dib markay dhibaatadu muuqato.

 

 

Macluumaadka Xidhiidhka

 

Adeegga Macmiilka

Taleefan: 0201 211 200

Emayl: [email protected]

 

Telesales iyo Chat

Taleefan: 0201 211 211

 

Adeegga macaamiisha waxaa lagu heli karaa luqada finnishka, iswidishka iyo ingriiska. Waxaad ka heli kartaa adeegga luqadaha ee bakhaarada bogagga bakhaarka: Kaydso macluumaadka xidhiidhka iyo saacadaha furitaanka